Mas’uuliyiin uu hor kacayo agaasimaha guud ee wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XFS ayaa maanta xarunta Gaari Dumar ee magaalada Muqdisho gaarsiiyay agabka lagaga hor tago safmarka COVID-19, sida Af-xir ama Face Mask iyo dareeriyaasha jeermiska lagu dilo oo loo yaqaano hand sanitizers.
Ololaha wacyigelinta safmarka #coronavirus waxaa wasaaradda haweenka la kaashanaysaa xafiiska hey’adda UNICEF Somalia , sida oo kale waxaa horey wasaaraddu u gaarsiisay agabkan qaar kamid ah dugsiyada waxbarashada magaalada Muqdisho si loo xakameeyo faafitaanka cudurka #coronavirus.










